Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga oo booqday Somaliland

0
27 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga oo booqday Somaliland

    Taliye ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka Sucuudiga Jeneraal Ahmad Hassan Mohammad Asiri,ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka Sucuudiga Jeneraal Ahmad Hassan Mohammad Asiri,ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.


Mr Axmed Xasan Moxamed, ayaa la sheegayaa in 21kii Bishan September uu booqasho ku tagay Magaalada Hargeysa lana kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Muuse iyo Axmed lama shaacin,waxa looga hadlay sidoo kale imaanshahiisa lama sii sheegin.

Maalinta ku qoran imaanshahiisa Hargeysa,duullimaadyada Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal kuma jirto Diyaarad ka timid Sucuudiga oo tagtay Somaliland.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga uu dhina Jabuuti ka galay Somaliland isaga oo la socday Diyaarad Ganacsi oo ka timid Jabuuti.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo qariyay magaciisa ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha taliye ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga ee Somaliland.

Booqashada Jeneraal Axmed ee Somaliland ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto Saldhigga Milatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Sucuudiga,kaas oo xulufo dhow la ah dalka Sucuudiga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Magaalada Jidda ee Dalka Sucuudiga waxaana uu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.

Sucuudiga waxaa uu daneeye weyn ka yahay Bariga Afrika gaar ahaan Somaliland halkaas oo Imaaraadka iyo Sucuudiga ay doonayaan in ay maalgalin dhan $1.789Tiriliyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay labada dal ku doonayaan in ay ku maalgeliyaan waddamada Bariga Afrika,kuna muujiyaan saameyntooda iyo tartanka ay kula jiraan Turkiga,Qadar iyo China,iyaga oo ka gows heysta Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip