Sawirro:Banaanbax Xooggan Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho!

0
30 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Banaanbax Xooggan Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho!

    Qaar ka mid ah Ganacsatada Malaayga ama kalluunka ku iibiya Kawaan Liido ee degmada Cabdul Casiis ayaa waxa ay Maanta dhigeen banaanbax Cabasho ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Ganacsatada Malaayga ama kalluunka ku iibiya Kawaan Liido ee degmada Cabdul Casiis ayaa waxa ay Maanta dhigeen banaanbax Cabasho ah.


Ganacsatada ayaa Banaanbaxooda waxa ay ka soo bilaabeen Liido,iyaga oo ugu dambeyn isugu yimid Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ilaa Gurigii hore ee Maxamed Dheere.

Ganacsatada ayaa waxa ay ka cabanayaan in ay Kawaanka Liido ugu yimideen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,isla markaana ku amreen inay ka guuraan.

Waxa ay sheegeen in Kawaanka rag ka tirsan Dowladda ay ka iibiyeen Haweeney sida ay sheegeen lana doonayo in Hotel laga dhigo.

Shalay ayay Liido ka bilaabeen banaanbaxa,waxana Maanta uu yahay maalintii labaad,iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah uga jawaabtay cabashadooda.

Qaar ka mid ah Banaabaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta  ayaa waxa ay sheegeen in mudo ka badan 100 Sano ay qaarkood halkaasi ku Ganacsanayeen,isla markaana aysan aqbaleyn in haatan si xoog ah looga raro,waxaana gaadiidka noocyadisa kala duwan ay u diideen inay isticmaalaan Wadada isku-xirta Liido ilaa degmada Xamarweyne.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip