Koonfurgalbeed Waxay Udiidan Tahay Xisaab Celinta Dowlada

1
01 October, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Koonfurgalbeed Waxay Udiidan Tahay Xisaab Celinta Dowlada

    Surge Support waa Magaca Projectga maxaana mashruuca soo dhiibey midowga yurub waxay ugu tala gashey in mamul goboleedyada dhamaan uu wax la qabto ama ku kaalmeeyo mashaariic dadka iyo deegaanka wax looogu qabanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Surge Support waa Magaca Projectga maxaana mashruuca soo dhiibey midowga yurub waxay ugu tala gashey in mamul goboleedyada dhamaan uu wax la qabto ama ku kaalmeeyo mashaariic dadka iyo deegaanka wax looogu qabanayo.

Mashruucaasi ayaa mamaulka KGS waxaa loosoo mariyey Dowlada Federaalka ayadoo dowlada federaalkuna ay usii gudbisey maamulka KGS.

Koonfurgalbeed mashruuca ayaa waxay sheegtay in jidka airporka shaati gaduud ilaa saldhiga ay ku dhiseyso, waxaana markii lasooo bandigey mashruuca ay buuxiyeen shirkad deg deg lagu sameeyey oo hogaanka KGS gadaal ka riixayaan oo lagu magacaabo Bay Service provider iyo shirkad kale oo ayana la yiraahdo Blue Star.


Shariif xasan oo arinkaan asaga iyo Wasiirka Maaliyada isku afgartay in labo qof ee kala ah , Bashiir fircoon oo ah walaalka ama khaadimka Madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada Ina Adeerkiisa oo isna lagu magacaabo Mad Manuur.

Shirada Blue Star oo ah shirkad qibrad horey leh ayaa hawada lagu cuney waxaana la yiri wax kalaa laguu raadinaa kama hadli kartid afkaaga qabso hadii hadal lagaa maqlana mardambe wax mashaariic ah waakaaga dhamaatay Goboladaan.

Shirkada Bay Service provider waxay bilowdey howlihii shaqo laamigii ayey jajabiyeen shariif wuxuu ka dhigey wax wadani nimo loo qabanaya oo kale waxaana ciidankii Ethiopia laga dhaadhiciyey iney baabuurtooda ku kaalmeeyaan shaqaalaha jidkaa sameynaya, laakiin jidkii waa la jajabiyey waxna lagama qabanin waxaa cabsi lasoo gudboonaatay mad manuur iyo Bashiir lacagtii qeybta aheyd in kala guurkaan ay ku waayaan waa ay ka joogsadeen waxayna suuqa soo gashteen laamigii ayaa naga yaabo Beled doogle markuu imaado ayaan dhiseynaa laakiin waxba waa sheeko xariir.

Dowlada dhexe waxaa laga soo qaadey 2 mar oo lacg ah kuwaasoo ka badan nus malyuun  waxayna kala tahay qiimahaasi, 547, 900 X 2=1095,8

Suaasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaan accounkii wasaarada maaliyada waa laga saarey ragii mashruuca wadey waxier mooyee lacagtii lama siinin, jidkiina weli lama dhisin ee yaa qaatay lacagta?
  Midowga Yusub sow ma ahan in arinkaan ay soo fara geliso oo mashruucaan lacagta laga qaatay jidkii la dhiso ama lacagtii lasoo celiyo, wasaarada maaliyaduse maxay dhihi doontaa?

Dowlada dhexe gaar ahaan wasaarada maaliyada xisaab xirkii ay dalbatay sow ma haboona in lafteeda ay soo booqato Baydhabo oo wixii mashruucii lagu dhiibey oo kontoroosho?

Waxaad halkaan ka daawataa Mashruuca asagoo faah faahsan oo lasoo dhigey webka wsaarada maaliyada Dowlada KGS


Mashruucaan oo faahfaahsan halkaan hoose kala deg


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip