Xal laga gaaray khilaaf Xooggan oo u dhexeeyay Maamulka Baraawe!!

0
01 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xal laga gaaray khilaaf Xooggan oo u dhexeeyay Maamulka Baraawe!!

    Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur Shuute iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa wax ay kulan la yeesheen Madaxda Maamulka degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur Shuute iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa wax ay kulan la yeesheen Madaxda Maamulka degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.


Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xalinta muranka dhinaca maamulka ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhex jiray Maamulka degmada Baraawe, Iyadoona arintaasi ay keentay in ay soo farageliso dowladda Soomaaliya.

Cabdi fitaax Maxamed Nuur(Sandheere) oo ah Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa sheegay in meel fagaaro ay xilalkii ugu kala wareegeen guddoomiye ku xigeenada degmada oo uu markii hore khilaafka uu kadhex dhexeeyay.

Cabdullaahi Buule kameey Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay diyaariyeen qoraalo ay kala saxiixdeen labada masuul.

Waxaa uuna tilmaamay xeer ilaaliyaha in dhawaan ay arintaasi u gudbin donaan Madaxda dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafka ka jiray Masuuliyiinta Degmada Baraawe xal waara laga gaaray.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in wax la yaab ah ay ku noqotay in qof ka maqan magaalada uu qaso Maamulka Degmada Baraawe, taasi ayuu sheegay in arin cajiib ah ay tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip