Warsaxaafadeed kasoo baxay reer Awdigil oo looga hadlay mudaaharaadka Diinsoor ka dhacay.

1
02 October, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 549
  • (Rating 4.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed kasoo baxay reer Awdigil oo looga hadlay mudaaharaadka Diinsoor ka dhacay.

    Shir deg deg ah ay isugu yimaadeen wargaradka, aqoonyahanka, qurbo joogta iyo dhalinyarada reer ay Awdigil oo lugu qabtay qadka telefanada, (teleconference) dadka kasoo qayb galayna ay ku kala nool yihiin Soomaaliya, Kenya, South Afrika, Sacuudiga, I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir deg deg ah ay isugu yimaadeen wargaradka, aqoonyahanka, qurbo joogta iyo dhalinyarada reer ay Awdigil oo lugu qabtay qadka telefanada, (teleconference) dadka kasoo qayb galayna ay ku kala nool yihiin Soomaaliya, Kenya, South Afrika, Sacuudiga, Imaaradka, Holan, Norway, Iswiidhan, Ingiriiska, Biljam, Mareekanka iyo Kanada ayaa looga arinsaday arimada reerka, xaalada siyaadeed ee dalka uu ku sugan yahay iyo arimaha doorashooyinka ee kuso food leh koonfur galbeed.

Shirkaan dega dega ah ayaa muhiimadiis waxay ahayd, diiradana lugu saaraayay waxa ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Wagaradka kulanka isugu yimid ayaa cambaareeyn dusha kaga tuuray  gudoomiyaha degmada Diinsoor oo ahaa qofkii qabanqaabiyay wax uu ku sheegay mudaaharaad in uu ku qabtay degmada, shacabka masaakiinta ee degmada ku noolna uu ku qasbay in ay kasoo qayb galaan. 

Shirkaan ayaa waxaa loogu baaqay gudoomiyaha degmada Diinsoor in uu ka waantooba waxa uu degmada ka sameeyay, raali gelin deg deg ahna ka bixiyo, cadeeyana dadkii ka danbeeyay mudaaharaadka, sheegana in dadka degmada diinsoor degan uu isaga soo qasbay. Hadii uu ku dhaqaaqi waayo talaabadahaasna waxaa xiga doono in wagaradka iyo qurbo joogta reer awdigil ay qarash walbo lugu bixin doonan sidii dadka degmada diinsoor ay ugu tashtan masiirkooda iyo cida hogaamin laheed. 


Sidoo kulanka waxaa looga arinsaday hadalka dhowaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka banadir Injineer yariisow oo ahaa in degmada afgooye la geeyo caasimada Banadir. 

Waxgaradka waxay isku raacneen in hadalkaas kasoo yeeray Injineer yariisow uu qatarteedi leeyahay, abuurina karo kalsooni daro iyo in la kala fogaado. 
Waxayna ku taliyeen reer Awdigil in Injineer yasiirow uu hadaladiisa ka fiirsado. 

Kulankaan ayaa kusoo dhamaaday si wanaagsan, wuxuuna ka duwana kulamada noocan oo kale ah ay hore u qabsan jireen reer Awdigil. 

Wax walbo ku saabsan kulankan waxaa laga waraysan karaa wakiilka Koonfur galbeed u fadhiya dalka Ingiriiska iyo midowga Yurub Dr Cali Baab

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip