Maxaa kajiro in Farmaajo dabada Ka Riixayo Mooshinka laga wado Kheyre?

0
02 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kajiro in Farmaajo dabada Ka Riixayo Mooshinka laga wado Kheyre?

    Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hoosta Ka Riixaya Mooshinkii Ugu Cuslaa Oo ay Wadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka BF Somalia, kaas oo Meesha Looga Saarayo Ra'iisulwasaare Xassan Cali Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hoosta Ka Riixaya Mooshinkii Ugu Cuslaa Oo ay Wadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka BF Somalia, kaas oo Meesha Looga Saarayo Ra'iisulwasaare Xassan Cali Kheyre.


Mooshinkan oo ah Kii ugu Cuslaa, ayna Iska Kaashanayaan Xildhibaanada u Kala Jabsan Labada garab, ayaa Ujeedadiisa lagu Sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo uu Meesha uga Saaro Xassan Cali Kheyre, si uu u soo dhaweysto maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka, ayaa la Sheegay inay u Sheegtay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, in aysan u Dul-qaadan doonin in dadaalkii ay ku soo bixiyeen Xasiloonida Soomaaliya Sanadaha Badan, ee ah dhiiga iyo Dhaqaalaha, inuu noqdo "Hal Bacaad Lagu Lisay”, oo ay ku tuntaan Isaga iyo Xassan Cali Kheyre.

Waxaa ay Sheegeen inay dusha kala Socdaan Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay Sheegeen inay Sababtay inuu Faraha ka baxo Amniga Dalka, Sidoo kalena lagu Tunto Nidaamka Federaalis-ka ee ay Soomaaliya Qaadatay.

Xubnaha Beesha Caalamka, ayaa ugu Baaqay inuu tilaabo Deg deg ah qaado, taas oo uu Xal ugu raadinayo Tabashooyinka Dowlad Gobaleedyada, oo Beesha Caalamka Sheegtay inay yihiin Kuwa jira.

Intii uu Furmay Kala-fadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaalya, ayaa la Sheegay inaan laga Seexan Villa Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisulwasaare Kheyre oo Dadaal ugu jira Sidii loo dhabar-jabin lahaa Mooshinka Culus ee ka dhan ah Xassan Cali Kheyre.

Si Kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa haatan Diyaariyay Mooshinka, Waxaana la Sheegay in Doodii ay Xildhibaanadu lahaayeen maalmahi la soo dhaafay ee Looga hadlayay Amniga Dalka, ay aheyd mid Gogasha loogu Xaarayay in Golaha la soo Hor-dhigo Dhowaan Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisulwasaare Kheyre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip