R/W:Kheyre oo DALAB fulintiisa adag tahay hordhigay WasiiradiisaXOG!!

0
02 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W:Kheyre oo DALAB fulintiisa adag tahay hordhigay WasiiradiisaXOG!!

    Waxaa asbuucii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka socday kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo golahiisa wasiirada iyadoo laga wada hadlayey sidii ay uga qeyb noqon lahaayen bad baadinta Xukumadda maadama cada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa asbuucii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka socday kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo golahiisa wasiirada iyadoo laga wada hadlayey sidii ay uga qeyb noqon lahaayen bad baadinta Xukumadda maadama cadaadis xooggan aay kala kulmayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.


Sida ilo wareedyo Muhiima aan ku heleeyno  Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa Wasiir walba hordhigay dalab ah in uu keeno laba ama sedax Xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka, taagersana Siyaasadiisa diyaarna u ah difaaca Xukumadda.

Wasiirada Xukumadda Kheyre oo inta badan aay ku adag tahay in aay keenan tiro Xildhibaano ah oo diyaar u ah difaacida Xukumadda Kheyre ayaa kulamo kala duwan Muqdisho kula qaadanaya Xildhibaanada ku heybta ah iyaga u balan qaadaya in aay hadii aay taageran dhaqaalo siin doonaan oo aay ula tagaan R/wasaare Kheyre si aay xilkooda u bad baadsadaan.

Wasiirada dalabka fulintiisa adag tahay la hordhigay, ayaa badankood kamid aheyn Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaana laga yaaba in meesha looga saaro isku shaandheyn laguna badalo Xildhibaano difaaci kara Xukumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip