G/ Yariisow oo dabin loodhigay&Xildhibaano R/W Kheyre lacag ugu qoray G/Banaadir?

0
02 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    G/ Yariisow oo dabin loodhigay&Xildhibaano R/W Kheyre lacag ugu qoray G/Banaadir?

    Xafiiska R/wasaaraha iyo Gobalka Banaadir oo adeegsanaya dhaqaallo iyo xeelado kala duwan waxaa kasocda dadaalo lagu doonayo in lagu fashilayo Mooshin maalmahan, hadal heyntiisu badan tahay oo aay xubno katirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ka wadaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska R/wasaaraha iyo Gobalka Banaadir oo adeegsanaya dhaqaallo iyo xeelado kala duwan waxaa kasocda dadaalo lagu doonayo in lagu fashilayo Mooshin maalmahan, hadal heyntiisu badan tahay oo aay xubno katirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ka wadaan Xukumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqeejiyay in ujeedka laga lahaa iibinta kawaanka malaayga ee liido uu ahaa qorshe uu dagay R/wasaare Kheyre una adeegsaday fulintiisa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ENG: Yariisow,qorshaha aya ah, sidii shacabka Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo la isaga hor keeni lahaa.

Dhawaan waxaa banaanbaxyo waa weyn aay ka dhaceen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo loogu soo horjeeday iibsiga kawaankaasi Malayga,R/wasaare Kheyre ayaa ciyaarayay jooko cajiib ah oo lagu dilaacanayo xariirka Bulshadda iyo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ogaaday in Mooshinka laga wado ku lug leeyahay.

R/W Kheyre ayaa deg deg ugu amray in u tago kawaanka Malaayga Gudoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxman Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana Arrinkaasi ka danbeeyay R/wasaare Kheyre oo markaasi tabeelle ka dhiganayo Yariisow.

Dhanka kale waxaa si xowli ah ku socda ku takri falka , Duqa Muqdisho ENG Yariisow lacagta Dowlada Hoose ee Xamar ku sameeynayo isaga oo noqday shaqsi u nugul Xildhibaanada ku heybta ah Kheyre, ilo wareedyo muhiima ayaa xaqeejiyay in uu bil walbo qasnada Gobalka Banaadir ugu siiyo lacago, lagu naas nuujinayo Xildhibanaadaasi.

Si kastaba ha ahaatee waa mid kamid ah astaamaha Duqa Muqdisho Yariisoow leeyahay ee ah "YES MAN” ama qof qaata wax kasta oo loo yeeriyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip