Haweeney Sucuudi ah oo qoyskeeda dacweysay kaddib markii ay u diideen Ninkii ay calmatay!

0
05 October, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Sucuudi ah oo qoyskeeda dacweysay kaddib markii ay u diideen Ninkii ay calmatay!

    Haweeney u dhalatay Dalka Sucuudiga ayaa Maxkamad la tiigsatay qoyskeeda kaddib markii ay u diideen in ay ku heshiiyeen guur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney u dhalatay Dalka Sucuudiga ayaa Maxkamad la tiigsatay qoyskeeda kaddib markii ay u diideen in ay ku heshiiyeen guur.


Haweeneydan oo magaceeda la qariyay ayaa maamule ka ah Bangi ay ka shaqeeyaan in ka badan 300 qof oo shaqaale ah.

Qoyska ayaa Gabadha u sheegay in Ninka uusan u qalmin,kaas oo ah nin tuma Music-gga sidoo kalena ah Bare laxanka iyo farshaxanka heesaha ah.

Maxkamaddii 1aad ayaa qoyska ku raacday go’aanka,waxaana Gabadha lagu xukumay in aysan geyin Ninkaas oo ay mid kale raadsato.

Ninkan ayaa ku nool Gobolka Qaasim ee Waqooyiga Riyaadh,waxaana Gabadha ay u sheegtay Wargeysa Okaz in ay xukunka racfaan ka qaadaneyso una gudbineyso Maxkamadda sare ee Sucuudiga.

Gabadha ayaa ku doodday in Ninkan ay ka heshay dhaqankiisa iyo dadnimadiisa,isku diinna yihiin,sidaas darteedna ay tahay in ay guursato.

Laakiin Qoyska ayaa ku adkeystay in Ninka ay guursaneysaa uu noqdo nin si fiican u yaqaanna Diinta kuna dhaqma.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip