Akhriso: Tirada Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
05 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Tirada Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

    Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa waxyeelo kasoo gaartay oo laba dhimasha ay yihiin iyo mid dhaawac ah, kadib khasaare ka dhashay qaraxyo laga maqlay agagaarka Warshada Baastada ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa waxyeelo kasoo gaartay oo laba dhimasha ay yihiin iyo mid dhaawac ah, kadib khasaare ka dhashay qaraxyo laga maqlay agagaarka Warshada Baastada ee Muqdisho.


Dadka shacabka ee ku dhintay agagaarka Warshada Baastada ayaa la sheegay iney guryahooda ugu tagtay rasaas ay fureen qaraxyada kadib ciidamo katirsan Amisom oo halkaasi marayay.

Goobjooge ayaa sheegay labada qarax mid inuu xooganaa,balse uusan sheegi Karin khasaaraha gaaray ciidamada Burundi ee bartilmaameedka qaraxyadaasi ahaa.

Warka kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in kolonyo katirsan Ciidamada Burundi qaraxyo lagula eegtay degmada Hiliwaa, halkaasi oo looga gubay gaari nuuca Gaashaaman ee loo yaqaano Taawga.

Wali wax war ah kama soo bixin ciidamada AMISOM ee qaraxa lala beegsaday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya Jawiga inuu kusoo noqday sidiisii hore oo aysan hada jirin wax hakad ah oo ku jira isku socodka dadka iyo gadiidka degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa ee Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip