Xog:- Cabdiraxman Cabdishakuur oo Muqdisho gawaari dagaal iyo ciidan badan ku diyaarsaday!!
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhaw Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho gudaheeda ku diyaarsaday Siyaasiga gawaarida dagaalka iyo ciidan fara badan.
Madaxda Dowladda Fedaraalka ayaa ku mashquulsan caburinta Siyaasiyiinta ka aragtida duwan halkii laga sugaayay in aay weeraro ku qaado Maleeshiyada Al shabaab oo dhibaato xooggan ku haayso shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo weeraro joogta ah ka geesta gudaha Muqdisho iyo gobalada dalka.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gudaha Muqdisho ku diyaarsaday ciidan ka badan laba boqol iyo 20 gaadiidka dagaalka kuwaasi oo u noqon doona ilaalo gaara markii uu dib ugu soo laabta dalka oo uu haatan ka maqan yahay kadib weerarkii lagu qaaday hoygiisa.
Siyaasiga oo dhawaan waraysi uu siiyay Tvga Universal ku xaqeejiyay in u yeelan doono Ciidan si gaara isaga ugu amar qaata markaana u diyaar garoobay hadii weerar kaga yimaado Madaxda Dowladda Fedaraalka, siduu isaga difaaci lahaay ayaa u muuqda in uu ku jiro diyaar garoow midkii ugu danbeeyay.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho, waxaa ku soo badanayay Maalmahii ugu danbeeyay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin hub urursi ugu jiro sidii aay isaga difaaci lahaayen weerar aay ka cabsi qabaan in Farmaajo iyo Kheyre aay ku soo qaadan guryaha aay degan yahiin.