"Waa kuma shaqsiga lagu wado in lagu badalo Madaxweynaha Hirshabeele Xog!!

0
07 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa kuma shaqsiga lagu wado in lagu badalo Madaxweynaha Hirshabeele Xog!!

    Madaxweyne Waare waxaa uu wajahaya Caqabad ka timid maamulkiisa xilli uu dhawaan heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo ku aadana in uu ka baxay heshiiskii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Waare waxaa uu wajahaya Caqabad ka timid maamulkiisa xilli uu dhawaan heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo ku aadana in uu ka baxay heshiiskii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa muujinaya in C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe),Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA)uu yahay shaqsiga madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladda Imaraadka u diyaarsheen in lagu badalo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo Mooshin xildhibaanada Maamulkaasi ka gudibiyeen lagu wado in xilka loogu qaado.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilliggaan waxaa uu la kulmaya Mooshin ay kasoo gudbiyeen Xildhibaano ka badan 57 xildhibaan , Waxaana Mooshinkaasi aqbalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

"Sanbalooshe oo aay saaxib dhow yahiin R/wasaarahii Hore Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid oo Dowladda Imaraadka ugu wakiil ah Arrimaha Maamul gobaleedyada ayaa madaxda Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ka gacan siinaya sidii shaqsi ku aragtiya, loogu dhigi lahaay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele maadama Waare uu heshiish la galay Dowladda Farmaajo.

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda waxa aay haatan ku shirsan yahiin Magaalada Nairobi iyaga oo halkaasi kulamo kula qaadan doona sida lagu waddo xubno ka socda Beesha caalamka.

Taliyahii Hore NISA Cabdullahi Sanbalooshe, ayaa iminka kamid ah mucaaradka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya,isaga oo horey warbaahinta ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay shaqsi been badan oo aan la aamini Karin hadii uu ku guulesto in Madaxweyne uu ka noqdo Hirshabeele kooxda la baxday nabad iyo nolol waxaay ku noqon doonta dhabar jab weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip