Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dacwad ka Gudbiyay R/wasaare Kheyre

0
07 October, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dacwad ka Gudbiyay R/wasaare Kheyre

    Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Baidoanews ayaa sheegaya in Maaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ay Beesha Caalamka ku dacweeyeen Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Baidoanews ayaa sheegaya in Maaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ay Beesha Caalamka ku dacweeyeen Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre


Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo kulankii xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay Ra’iisul wasaare Kheyre ku eedeeyeen inuu sabab u ahaa inay kalsoonida kala noqdaan Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa isku dayaya inay xaliyaan khilaafka Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga, waxaana kulan xog wareysi ah ay la yeesheen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayay ku eedeeyeen inuu si joogto ah kaga shaqeeyo siduu go’aano ugu yeelan lahaa Maamulada dalka ka jira, waxaana si gaara loogu eedeeyay in xafiis laga soo abaabulo Mooshino iyo kacdoono looga soo horjeedo Maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip