Muqdisho Ibraahim Maxamuud Geelmaal oo Lagu Dilay Gurigiisa!!

0
07 October, 2018 in Wararka by
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Ibraahim Maxamuud Geelmaal oo Lagu Dilay Gurigiisa!!

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysnaa oo xalay Degmadda Kaxda ee Gobolka baanaadir dil ka geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysnaa oo xalay Degmadda Kaxda ee Gobolka baanaadir dil ka geystay.


Dilkaan ayaa ka dhacay Waaxda Seddexaad ee Degmadda Kaxda,waxaana gurigiisa hortiisa lagu dilay nin la sheegay in dhawaan uu yimid Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxo ku hubeysnaa qoryo ayaa Hoygiisa ku weeraray Ibraahim Maxamuud Geelmaal oo dhawaan ka yimid Gobolka Shabeelaha hoose waxayna usoo bixiyeen banaanka,waxayna ku dhufteen dhowr xabadood.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Ibraahim ayaa goobta isaga baxsaday,wuxuuna meydkiisa haatan uu yaala xarunta C.I.D ee Booliska Soomaaliyeed.

Ibraahim ayaa kamid ahaa Barakacayaasha Degmada Kaxda dhawaan yimid,wuxuuna ahaa nin noloshiisa u xamaashta oo xaasle ah.

Dilka noocan ah ayaa ah mid ku cusub Degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana cabsi weyn ka muujiyey dadka deegaankaasi, iyadoo aysan wax war ah kasoo saarin Hay’adaha amniga Dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip