Kenya oo raadineysa Askar ay 2011kii ku weysay Somalia!!

0
07 October, 2018 in Wararka by
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo raadineysa Askar ay 2011kii ku weysay Somalia!!

    Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa soo saartay walaaca ay ka qabto nolosha askar ka mid ah ciidanka difaaca Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa soo saartay walaaca ay ka qabto nolosha askar ka mid ah ciidanka difaaca Kenya.


Askartaas oo gaaraya saddex ayaa la waayay 24kii July 2011kii,xilligaas oo iyaga oo sahay u wada Ciidanka Kenya ee jooga sohdinta Somaliya ay lumeen islamarkaana 60km gudaha Soomaaliya ku safreen.

Saddexda Askari oo kala ah Said Abdulaziz Haji, oo ahaa Darawalka, Jonathan Kipkosgei Kangogo iyo Evans Mutoro,ayaa gacanta u galay Ciidankii dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waxaana ay u maleeyeen in u u gacan galeen Al-shabaab.

Darawalka oo Soomaali ahaa ayaa go’aansaday in uu la joogo Ciidanka Soomaaliya,waxaana labada Askari kale ee Kenyaanka ah ay go’aansadeen in ay baxsadaan sidaas ayeyna ku dhuunteen.

Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaiserry,ayaa sheegay in Siciid C/Casiis ay Dowladda Soomaaliya isaga iyo Gaarigiisiiba ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, labadii Askari ee kalena ay sidaas ku maqanyihiin.

2013kii Al-shabab ayaa sheegtay in ay dishay Kangogo,kaddib markii Dowladda Kenya ay dib uga dhacday muddo ay u qabatay in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya.

Waxaana ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heyn Askarigii kale ee la baxsaday mr Kangogo,waxaana dowladda Kenya ay raadineysaa halka uu ku dambeeyo.

16kii October 2011kii ayey Ciidanka Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya,todobo Sano kaddib Ciidanka Kenya ayaa wali ka wada gudaha Soomaaliya iyo oo AL-shabaabna ay ka dagaallamaan gudaha Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip