Puntland oo shaacisay sababtii ay u joojiyeen shirkii uu Garoowe ku qaban lahaa Wasiir Jamaal

0
08 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shaacisay sababtii ay u joojiyeen shirkii uu Garoowe ku qaban lahaa Wasiir Jamaal

    Gelinkii dambe ee shalay oo Axad aheyd ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Maanta Garoowe loogu doortay Xubin Baarlamaan,balse Maamulka Puntland u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee shalay oo Axad aheyd ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Maanta Garoowe loogu doortay Xubin Baarlamaan,balse Maamulka Puntland uu joojiyay.


Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, balse hadda ah lataliyaha Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku sheegay sababta ay u joojiyeen shirkaas in weli xiriirkii Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid go’an oo aan wanaagsaneyn.

Kulanka oo uu ka qeyb geli lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid ah su’aalo ku weydiin lahaayeen ardayda jaamacadaha Puntland,iyada oo lagu qaban lahaa Jaamacada PSU.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan weli dahnkiisa kama hadlin qorshaha Puntland ay ku joojisay kulankaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip