Malabku waa daawo Abuu Mansuurna waa Lamid!!!!!!!!!!!!!

0
08 October, 2018 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malabku waa daawo Abuu Mansuurna waa Lamid!!!!!!!!!!!!!

    Q 1-aad بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام علي أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلي أله وصحبه أجمعين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q 1-aad بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام علي أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلي أله وصحبه أجمعين


Diyaarinta maqaalkaan ka hadlaya taariikhda iyo dadnimada Sheikh Mukhtaar Abuu Mansuur wuxuu igu dhashay maalmaheygii carruurnimada, aragtideyda, markii iigu horeysay oo aan arkay hoggaamiyahaan ruuxiga ah wexey aheyd sagaashameeyadii.

Wexeynu aheyn deris, shakhsiyadeyda waan ka heybeysan jiray, marka aan arko waqti kasta oo aan galo guriga uu daganaa, maadama aan isku madaraso aheyn wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mansuur.


Naftu wexey ii sheegi jirtay inuu yahay qof dadnimo iyo awood hoggaamiyenimo ay ku jirto laguna daysan karo, haddaan ku arko hareeraha masjiddu Huddaa iyo wadada dheer ee xiriirisa suuqa Bakaaraha illaa xaafadda shantageed waxaan la raaci jiray indhaha, waxaadba moodaa in si hoose la iigu xogwaramayay.

Inkastoo Xamar qax lagu joogay, waxaan muddo waayay wadaadka, laakiin maalmihiisii soo ifbixitaanka, Ayaan si kedis ah ugu arkay isagoo kasoo baxaya masjidul Furqaan oo ku yaalla degmada Howl-wadaag, dad badan ayaa u hamuun qabay wadaadka oo aan anigu kamid ahaa, wuxuu ahaa wadaad barbarkiisu socdeen ciidamo badan oo kuwii maxaakiimta ahaa, ma ogeyn inuu ahaa ku xigeenka xog-hayihii maxaakiimta, su’aallo badan ayaa igu dhashay kaddib markaan arkay, qof ii dhawaa ayaa ku dhawaaqayay magaciisa isagoo leh waa Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur.

Dareenkeygu wuu sii laba kacleeyay, waxaan dareemay in dareenkeygu uu ii run sheegi jiray, ummadda oo jahwareer baahsan ku jirtay aawadeed, wuxuu waqtigiisu kusoo beegmay xili wax kasta la isku raaci karay si looga badbaado dhibaatooyinkii hoggaamiye kooxeedyadii.

Abuu Mansuur wuxuu calanka u qabtay ururkii Maxaakiimta, wuxuuna ahaa mishiinkii shidaalka ku shubayay dhaqdhaqaaqa kooxdaas fashillantay, inkastoo aan yaraa, laakiin waxaan arki jiray dad mucaarada kooxda oo nafteydu u arkeysay kuwo ka careysan waxa dhacaya ama cuqdad ay ku jirto.
Muddo kaddib isbedel weyn ayaa dhacay, kooxdii islaamiga aheyd ayaa burburtay, ka hor burburka waxaa jiray isku dhac dhexmaray Abuu Mansuur iyo Sheekh Shariif, goob joog uma aanan aheyn, laakiin waxaan xogtaas ka heley hoggaamiye maxaakiimta kamid ahaa oo la dhihi jiray Cabdiraxmaan Janaqow.

Maalmaheygii aan la jiray islaamiyiinta Soomaaliya ee xariga goostay, waxaan weheshan jiray Abuu Mansuur oo aan u arkayay hoggaamiyaheyga ruuxiga ah, dabcan dadka oo dhan ayuu u ahaa, markii xilkii afhayeenimo laga qaaday, naftu wexey ii sheegtay in dhibaato ay soo deristay, xaalkuna uu ka duwan yahay kii hore.

Is-gaabintii Abuu Mansuur.

Maalin maalmaha kamid ah anoo dhageysanaya idaacadda BBC, ayuu Abuu Mansuur ka dhawaajiyay hadalkaan oo ahaa” inaga iyo kooxda Asmra waxaa inaga dhaxeeya xiriirka muslimnimo oo keliya” shaki ayaa isii galay waayo shariifkii hoggaanka u ahaa kooxdii maxaakiimta ayaa horkacaya kooxda asmara.

Ma aheyn qof gorfeyn karay waxa dhacayay waagaas, BBC Ayaan mar kale ka maqlay Abuu Mansuur waa hoggaamiye Shabaabka kala soo baxay meel ciriiri ah, waxaan kusii dhiiraday hadaladii aan isku sheegi jiray, waxaan u helay caddeyn ka timid warbaahin si fiican wax u gorfeysa.

Sheekha riyadiisa ayaa u rumowday oo wuxuu qabsaday magaalada Baydhabo, isagoo diiftu ka muuqatay,wuxuu ahaa hoggaamiye dhigiisa ku qabsada khaladaadka ay u geystaan halganka uu kujiray, laakiin Baydhabo inuu qabsado wexey u abuurtay cadow badan iyo in loo qodobeysto sida uu ula dhaqmay reer Baydhabo madaxdooda.

Koox Shabaab ah oo aan muddo soo wada nooleyn wexey shiiqa ku duri jireen inuu siidaayay AUN Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xildhibaan ahaa waagaas, wexey ku tilmaami jireen qabyaaladiiste aan daacad u aheyn jihaadka.

Gooni u goosadkii Abuu Mansuur

Dhinac kasta marka laga fiiriyo wuxuu sheekhu ku tilmaamnaa hoggaamiye shacbiyad leh, wajigiisana laga aqrisan karo hammigiisa iyo dadnimadiisa si ka duwan hoggaan ku sheegyadii islaamiyiinta.

Abuu Mansuur wuxuu noloshiisa halganka kusoo qaatay ciil iyo calool xumo, mana aheyn qof laga dareemayay,sababtoo ah wuxuu arkayay shacab u baahan hoggaamiye daacad ah oo dareemi kara waxa ay doonayaan dadka (beelaha Soomaaliyeed oo dhan) iyo inuu maalin gaari doono yoolkiisa, hoggaamiyaha keliya ee Shariif Sheekh Axmed uu raali geliyay isagoo madaxa raaricinaya wuxuu ahaa Abuu Mansuur kaddib markii arrimo jihaadka ku saabsan ay isku khilaafeen.

Cabddiraxmaan Janaqow ayaa warbaahinta ka sheegay hadalkaan, " Abuu Mansuur kuma uusan qanacsaneyn raaligelintii Shariif uu sameeyay, waxaan ka dareemayay cuqdad” Janaqow sidaa ayuu kayiri warbaahinta Muqdisho…waayo wuxuu kamid ahaa ergaddii shariifka uu u diray Abuu Mansuur si loo booga dhayo dhibaatada taagan, ma aheyn qof awood lahaa, laakiin waxaa loo arkayay shakhsi haddii laga dareemo niyad jab uu baabi’I karay dhammaan hamigii ummadda oo ahaa in jihaadka looga gudbo dagaaladii sokeeye.

Waqtigii burburka Maxaakiimta iyo soo shaac bixiddii Alshabaab

Abuu Mansuur wuxuu ahaa  qofka keliya ee ay rabeen labadaan dhinac oo run ahaantii ahaa dhinacyo beelaha kale ku matalayay awood qeybsiga ka jira dalka, sida Federaalka oo kale, hase ahaatee diin jaceylkiisa iyo u damqashada dadka Soomaaliyeed oo aanu ukala baxsaneyn ayaa ku riday dabin kale.
Maalmahaas waxaa socday qorshe kale oo Alqaacidda ay ku dooneysa in looga hoos baxo maxaakiimta, hoggaanada kale ee islaamiyiinta oo yoolkooda aan dhihi karo wuxuu ahaa mid adduunyo iyo fursad raadis ayaa ka faa’iideystay khilaafkii Abuu Mansuur iyo Maxaakiimta hoggaankooda u dhaxeeyay.

Waxaana soo baxay hoggaamiye Abuu Mansuur oo hoos kasoo billaabay halgankiisii isagoo noqday hoggaamiye dhinac waliba ah sida hoggaamiye millateri iyo afhayeen, wuxuu soo dhisay jiil cusub oo diinta difaaca, hase ahaate wuxuu ku dhacay mar kale dabin xun, shaki iigama jiro inuu kasii walwalay wixii dhacay.

Waa waqti dambe, shacabkii iyo islaamiyiinta ayaa isnacay, awooddii uu abuuray Abuu Mansuur ayaa meel kasta lagu nasanayaa isagiina wuxuu noqday saaxiib la yaabka uu ku batay!!!!!!!

Sheekadu wexey gaartay yaa la aaminaa hee!!!!!

Dhacdooyin badan kaddib, waxaa la isla soo gaaray in Abuu Mansuur uu arko xaqiiqda jirta iyo sida ummaddaan lala damacsan yahay, wuxuu si tartiib tartiib ah u goostay kelinimo, isagoo duraya Shabaabka sida xili dambe uu sheegay Cali dheere afhayeenka Alshabaab, waa la ogaa qudbadihiiisa xanaaqa uu ku dheehnaa ee uu ku canaanan jiray Shabaabka isagoo waliba ka hadlaya masaajidka Carabta Baydhabo.

Waxaan xasuusta VOA-da oo baahisay khilaaf soo kala dhexgalay Abuu Mansuur iyo Shabaab, si dadnimo leh ayuu kaga jawaabay isagoo aan laba qalbineyn fiirinayana ummadda iyo waqtii lagu jiray, wuxuu diidanaa waxyaabo badan oo shabaabku sameyn jiray waayo wuxuu ahaa hoggaamiye aragti fog oo asaagiisa aanu ku jirin shabaab.

Sida ilo xog-ogaal ah aan kasoo xigtay  marar badan wuxuu sheekhu ka digayay  xadgudubyo iyo go’aan fool xumaa oo hoggaanka shabaabku qaadan jireen, heer markii dambe uu helay hoggaamiyeyaal careysan oo shabaabka ka tirsanaa markii dambana maalin cad la dilay,anigoo kamid ahaa kooxda waxaan dareemayay in labadeenuba aniga iyo Abuu Mansuurba aysan noo cuntameynin in laga sii mid ahaado kooxda Alshabaab.

Waxaan usoo joogay in Abuu Mansuur ay caddeyn kasoo dhigtaan hoggaamiyeyaashiii shabaabka ee sida dulmiga ah loogu dilay magaalada Baraawe iyagoo taageero shabaab iyo mid shacabba ku raadinaya magaciisa, rag saraakiil Alshabaab ah ayaa iigu xog waramay in Abuu Mansuur uu ka biyo diiday codsi raali gelin ah oo kaga yimid dhinaca hoggaamiyihii Alshabaab ee la dilay, waxaana loo soo diray ninka seef la boodka ah ee la yiraahdo Fu’aad Shongole oo ay isku  mowqif ahaayeen, waxaan isku sheegay in Abuu Mansuur dilkiisa aanu shabaabku ku degdegi Karin sababo shacbi oo keliya maadaama uusan ku awood dhameyn cududdii millateri ee shabaabka.

Inuu uu quustay Abuu Mansuur waxaan si saa’id ah aan u dareemay markii kooxda Daacish ay heleen hoggaamiye kamid ahaa Alshabaabka oo la dhaho Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo haatan  Soomaaliya u qaabilsan, daqiiqado kaddib markii uu shaaciyay sheekhaas inuu shabaabka ka goostay kuna biiray Daacish wexey ku qanci waayeen shaacinitiisa, wexey  billaabeen olole  warbaahineed oo ballaaran oo ay ugu baaqayaan Abuu Mansuur inuu kamid noqdo hoggaanka kooxdaaas iyagoo Allaah ka baryay in Abuu Mansuur iyo wilaayada Baay iyo Bakool ay kusoo biiraan Daacishta Soomaaliya.

Daacish, xiligaas ay wadaadka doondoonayeen wexey ahaayeen urur diimeed kan ugu weyn uguna hub badan caalamka, waa xiligii ay furteen dalalka Suuriya iyo Ciraaq islamarkaana heystay dhaqaale iyo ku filan, ogow kooxda Daacish dagaalkii ay ku jireen iyo dhulalkii ballaarnaa oo ay qabsanayeen saacad kasta waxaa uga muhiimsaneyd in Abuu Mansuur oo Al-qaacidda ka gaabsaday uu iyaga kusoo biiro, waayo waxaa lagu xisaabtami jiray hoggaannada Al-qaacidda kuwooda caanka ahaa, maadama ay si ba’an ay isku weerari jireen labada koox waa Al-qaacidda iyo Daacish.

Xaqiiqdii Abuu Mansuur wexey u aheyd fursad, laakiin hoggaamiye Abuu Mansuur wuxuu soo maray laba urur islaami ah oo sheekha ku qiyaanay daacadnimadiisa, waaya aragnimadiisa islaamiyiinta iyo hab dhaqankooda foosha xun ayaa mar waliba horyaalay.

Waan hubay hadduu ku biiri lahaa in Alshabaab ay kala noqon lahaayeen laba dhinac, maadama Shacbiyadda iyo taageerada uu sheekhu ku kasbaday daacadnimadiisu ay ka dhex muuqatay Alshabaab, badankoodna ay doonayeen iney ka shaati bedeshaan Shabaabka.

Waa markii iigu horreysay oo  aan laba shakiyay, waxaana kala saari waayay inuu Abuu Mansuur quustay iyo inuu mar kale halgan kale oo koowey koowey ah uu billaabo, isagoo og iney ka horreeyaan hoggaannadii isaga soo quusiyay.

Abuu Mansuur wuxuu ku jiiray sannado badan go’aanka uu maanta qaatay oo ahaa in mar kale aan loogu soo gabban magac islaami, balse uu si kale wax u raadiyo isagoo eegaya dhibaatooyinka heysta dadkiisa, lagu dulmiyay urur diimeed iyo mid dowladeedba.

Go’aankii aadka u qaraaraa iyo Abal.

Wuxuu si raganimo leh uu kaga soo baxay Shabaabka deegaanadooda isagoo qoriga sanka kasoo geliyay kooxda Shabaab, ma aheyn mid ay saadaalin kareen koox diimeedka, go’aanka Abuu Mansuur uu qaatay waayo mar waliba wexey ka cabsi qabeen shacbiyaddiisa iyo taageerada uu heli karo.

Kaddib, noloshiisa cusub, waxaa saameyntiisa laga dareemay kooxdii uu kasoo tagay dhexdeeda, waxaana batay kala baxsashada, waxaana sii yaraatay firfircoonidii iyo is aaminaadii shabaabka maadama uu baxay garyaqaankoodii iyo  qofkii ugu baaqayay jihaadka, kala taga shabaab iyo Abuu Mansuur wexey muujisay in Soomaaliya jihaad uusan ka jirin, ,maadama kala taga Shabaab iyo Abuu Mansuur ay suurtagal ka dhigtay wax aan la filaneynin oo ahaa in hoggaamiyihii labaad ee shabaabka islamarkaana ugu cod dheeraa uu usoo guuray kooxdii dowladeed ee uu ku baaqi jiray in lala dagaalamo.

In Abuu Mansuur uu soo baxo wexey ka farxisay rag hore oo islaamiyiin ahaa oo magaalooyinka dalka iyo dibadiisaba jooga, maadama ay usii rumowday tuhunkii ay qabeen, waxaase isweydiin mudan maxaa keenay in Abuu Mansuur oo aad looga dhex jecel yahay shabaab dhexdiisa islamarkaana ogaa inuu yahay qof halgamaa aan jixin jixin ah, kuna adkeysan jiray dagaalkiisa iyo caqiidadiisa isagoo arkaya ergooyin aan kala go’ laheyn oo uga imaan jiray shabaabka inuu shacab noqdo?

La soco qeybta labaad oo aan kaga hadli doon taariikhdiisa cusub iyo halka uu ku biya shuban doono



W/Q Abuu Durmaan Al- Mansuuri Al- Suumaali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip