Ra'iisul Wasaare Khayre oo kusii jeedda Sucuudiga!!

0
09 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo kusii jeedda Sucuudiga!!

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.


Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobolka iyo guud ahaan caalamka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip