Ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabellaha Dhexe

0
09 October, 2018 in Wararka by
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabellaha Dhexe

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gobolka Shabellaha dhexe gaar ahaan duleedka Degmada Balcad lagula eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gobolka Shabellaha dhexe gaar ahaan duleedka Degmada Balcad lagula eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


Sidda ay xaqiijiyeen goobJoogayaal Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Gololey ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Ciidankaan qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay u socdeen Magaalada Jowhar, si ay halkaasi u gaarsiiyaan Sahay ay u wadeen ciidamada Burundi ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa qabsaday mid ka mid ah Gawaaridda Ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in ay jirto waxyeelo soo gaartay Ciidanka AMISOM.

Qaraxa kadib ciidamada AMISOM ayaa gaariga waxyelada ay gaartay waxa ay ku jiideen gaadiidkooda kale, waxayna sii wateen safarkoodii ay ugu sii jeedeen Degmada Jowhar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip