Dhageyso:-Cali Baab"Shaariif Xasan wuxuu adeegsanaya Odoyaal laalush ka qaatay!!

0
10 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Cali Baab"Shaariif Xasan wuxuu adeegsanaya Odoyaal laalush ka qaatay!!

    Iyado lagu wado in aay dhawaan doorashada madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacdo Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxaya walaac xooggan taasi oo lago qabo in doorashadasi la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyado lagu wado in aay dhawaan doorashada madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacdo Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxaya walaac xooggan taasi oo lago qabo in doorashadasi la musuq maasuqo.


Siyaasi Cali Cabdi Baab oo ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska lana hadlayay Warbaahinta ayaa  waxuu ka hadlay doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed oo ay isku soo sharaxeen musharixiin  dhowr ah.

Cali Cabdi Baab ayaa waxuu ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamanayo ee Maamulka Koonfur Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan in uu intuu haayay xilka maamulkaasi in uu ku fashilmay hanaanka maamul iyo wada shaqeynta dowlada dhaxe ee Soomaaliya,,sidookale waxaa uu xusay in Sjhariif Xasan uu sameesaty odayaal dhaqameedyo u ololeya kuwaasi oo lacago siiyay.

Dhanka kale ee Siyaasi Cali Cabdi Baab oo ka hadlayay hadal kasoo yeeray Sheekh Muqtaar Roobow Cali kaasi oo ahaa inuu yahay musharax utaagan xilka madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iyaga ka codsadeen inuu xilkaasi isku soo sharaxo, waxuuma intaasi ku daray in uu yahay xiligan shaqsiga kaliya ee uqalmo inuu hugaamiyo shacabka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Siyaasigan ayaa sheegay in qurba joogta Maamulka Koonfur Galbeed ay taageersan yihiin Muqtaar Roobow ayna doonaya in uu la yimaado isbadal maamul, waxuuna ugubaaqay xildhibaanada maamulkaasi inay doortaan musharax Muqtaar Roobow Cali.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip