Waare:-"Golaha Iskaasiga Ma Yeelan Karaan Shir ay Ka Maqan Tahay Hir-shabeelle",

0
10 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waare:-"Golaha Iskaasiga Ma Yeelan Karaan Shir ay Ka Maqan Tahay Hir-shabeelle",

    Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb gali doonin shirarka lagu dhaliilayo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb gali doonin shirarka lagu dhaliilayo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda.


Waxa uu sheegay In Maamulkiisa uu arkay inuu ka baxo qodobadii kasoo baxay shirka Magaaladda Kismaayo, kaasi ay kamid ahayd inay hakiyeen maamuladu wadashaqayntii Dowladda Dhexe.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Golaha iskaashiga Dowladd goboleedyadda aysan yeelan Karin shir ay ka maqan tahay Hir-shabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne waare ayaa ugu digay Madaxweynaayasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira, inay shirkooda kusoo qaadaan arrimo ku saabsan maamulkiisa, oo heshiis la gaaray Dowladda Dhexe.

"Gollaha Iskaashiga Maamuladda wuxuu ku dhisan yahay waa shuruuc, kaasi dhigaya in hadii mid kamid ah dowladaha xubinta ka ah uu qodob kasoo horjeesto uusan noqoneyn  go’aanka Gollaha Iskaashiga, sidaas darteeda ma ahan inay arrimo na khuseeya soo qaadaan,” ayuu yiri Waare.

Hadalka waare ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda ay yeelan doonaan shir loogu hadlaayo xaaladaha dalka kaasi oo ka dhici doono magaaladda Garoowe ee Maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip