Sawirro:-Kheyre iyo Boqor Salmaan oo ku kulmay Magaalada Riyadh!!

0
10 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Kheyre iyo Boqor Salmaan oo ku kulmay Magaalada Riyadh!!

    War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu faah-faahiyay kulan maanta ay wada qaateen Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan oo wafdi uu hogaamiyaya shalay Magaaladaas gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu faah-faahiyay kulan maanta ay wada qaateen Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan oo wafdi uu hogaamiyaya shalay Magaaladaas gaaray.

Kulanka oo ka dhacay Al Yamama Palace waxa ay ugu wada hadleen Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, si loo dardar geliyo kaalmada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Adeegaha Xamareyka ayaa soo dhoweyn kadib Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre u sheegay in Dowladiisa ay soo dhaweyneyso dadaalada isbadalada ah ee ka jira Geeska Afrika.

Xubno ka socda Boqortooyada iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo warfaafinta Soomaaliya ayaa kulanka Goobjoog ka ahaa.

Wakaaladda Wararka U faafisa Sacuudiga SPA ayaa daabacday in kulanka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, labada dhiancne ay isla garteen in la dardar geliyo Xiriirka iyo isbadalada Nabadeed ee Geeska Afrika ka jira.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixan doono Heshiisyada iyo Ballanqaadayda Boqortooyada ay u sameyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ahaa labo Cishe ayaa la filayaa in uu soo gaba-gaboobo, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Sacuudiga uu Mashaariic u ballanqaaday Dowladda Federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip