Khasaare ka dhashay weerar lagu qaaday guriga Gudoomiyaha Haweenka Baydhabo

0
11 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare ka dhashay weerar lagu qaaday guriga Gudoomiyaha Haweenka Baydhabo

    Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMg-ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMg-ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed.


Koox hubeysan, ayaa bam gacmeed waxa ay ku weerartay guri ay Baydhabo ka dagantahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Mad Deyr, Si gaar ah waxa uu weerarka uga dhacay Xaafada Wadajir.

Saraakiil katirsan laamaha amniga, ayaa soo sheegaya in khasaaraha weerarka uu ku koobanyahay oo kaliya, dhaawaca laba qof oo midi yahay askari Gudoomiyaha ilaalo u ahaa iyo gabar yar oo guriga ku sugneyd.

Ciidamada amaanka oo durbadiiba tagay goobta uu weerarka ka dhacay, waxey sameeyeen baaritaano la xiriirta soo qabashada ragii weerarka ka dnabeeyay, balse Saraakiishooda waxey soo sheegeen iney baxsadeen dableyda.

Magaalada Baydhabo, waxaa ka scoda ololihii u danbeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada la filayo iney dhacdo 17-ka bisha danbe, balse ma muuqato diyaar garowga Maamulka, maadaama wali aan la sameyn Guddi doorasho waxaana xiliga balanta ka harsan oo kaliya 20 Cisho.



Magaalada Baydbao ayaa waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, maadaama doorashada ay ku loolamayaan dhinacyo awoodooda ay ka muuqato degaanada Koonfur Galbeed oo kala ah madaxweyne Shariif Xasan oo doonaya inuu ku soo laabto hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtar Roobow oo wata saameyntiisa siyaasadeed iyo mida amni.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip