Wasiir Ugaas Xasan"Ma ahan wax la aqbali karo in xilli habeen ah qof carruurtiisa lagu hor dilo"

0
11 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ugaas Xasan"Ma ahan wax la aqbali karo in xilli habeen ah qof carruurtiisa lagu hor dilo"

    Habeen ka hor ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta ee fariisinka ku leh Saldhiga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay degmada Walaweyn ku dileen Sheekh caan ka ahaa degmadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen ka hor ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta ee fariisinka ku leh Saldhiga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay degmada Walaweyn ku dileen Sheekh caan ka ahaa degmadaas.


Sheekha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Macallin Nuur Cismaan Bilaal,Maamulka degmada Walaweyn ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dilkasi ka dambeyay ay ka daba tageen,balse ay ugu soo jawabeen in Macalinka uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dilka Macalin Nuur Cismaan Bilaal ayaa abuuray xiisad cuusb,waxaana jawaab deg deg ah ka bixiyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,iyaga oo sheegay inaysan aqbaleyn in qof si gardaro ah loo dilo.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay WARBAAHINTA ayaa sheegay in maraba aan la aqbali karin in xilli habeen ah qof loo dhaco hadana la dilo.

"Ma aha wax la ogolaan karo in qof aan waxba lagu caddayn inta habeennimo loo soo dhaco reerkiisa iyo carruurtiisa lagu hor dilo, haddana warqad la dul saaro oo la yiraahdo annagaa dilnayā€¯ ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaasi baaritaan ku sameyso ka koonfur Galbeed ahaana ay baaritaan ku sameyn doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip