Nin qarax culus damacsanaa oo la qabtay

0
11 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin qarax culus damacsanaa oo la qabtay

    Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay, nin qorsheynayay inuu qarax ismiidaamin ah la beegsado doorashada xilliga dhexe ee la filayo iney dhacdo bisha soo socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay, nin qorsheynayay inuu qarax ismiidaamin ah la beegsado doorashada xilliga dhexe ee la filayo iney dhacdo bisha soo socota.


Paul Rosenfeld oo 56 jir ah waxaa loo heystaa in uu diyaariyay shey qarxa oo uu culeyskiisu dhanyahay 91 kiilo, uuna damacsanaa inuu 6-da bisha Nofeembar qarax aad u weyn la beegsado dhismaha xarunta qaran ee National Mall oo ku taalla magaalada caasimadda ah.

Mr Rosenfeld oo diiday in uu la hadlo laamaha ammaanka ayaa Arbacadii lagu soo oogay labo dacwadood oo kala ah inuu farsameeyay walxo qarxa iyo inuu dalka si sharci darro ah ku soo galiyay walxo qarxa.

"Haddii uu qorshaha lagu eedeeyay ku guuleysan lahaa, Rosenfeld wuxuu baabi’in lahaa nolosha dad fara badan oo aan waxba galabsanin, kuwaasoo munaasabaddaas goob joog ka ahaan lahaa, wuxuu sidoo kale sababi lahaa burbur aan qiyaastiisa la garaneynin”, waxaa sidaas yiri William Sweeney oo ah ku xigeenka agaasimaha xafiiska FBI-da ee magaalada New York.

Qabashadiisa ayaa timid ka dib markii qof shacab ah uu ninkaas ka helay warqado iyo farriimo ku saabsan qorshaha uu maleegayay, ka dibna uu war galiyay masuuliyiinta laamaha ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip