Maxaa Looga Hadlay Kulan Muhiim ah oo ay maanta Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ?

0
22 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Looga Hadlay Kulan Muhiim ah oo ay maanta Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ?

    Kulanka baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa looga Hadlay ilaa dhowr Ajando waxaana ahmiyad gaar ah la siiyey akhrinta labaad hindisa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa looga Hadlay ilaa dhowr Ajando waxaana ahmiyad gaar ah la siiyey akhrinta labaad hindisa sharciyeedka wax ka badalka sharciga guud ee Hanti Dhowrka Qaranka.


Xildhibaanbada ka qeyb galay kulanka Baarlamaanka ayaa ka doodey  sharuudaha looga baahanyahay qofka u tartamaayo xilka hanti dhowrka Qaranka iyo qodobada uu ku weyn karo xilkiisa  waxa ay sidoo kale ay xildhibaanada qaar ka hadleyn sida Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu xilka ugu qaadi karo Hanti dhowraha  guud Qaranka.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in Hanti Dhowraha guud ee Qaranka xilka looga qaadi karo in ugu hyoreyn xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo jeediyaan xil ka qaadistiisa oo ay deetana u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedceraalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo sharciyo badan oo la rajeynaayo in kulumada soo aadan ay wax ka badal ku sameyn doonaan sidaasna ay ku ansixin doonaan, baarlamaanka 10”aad ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa insharciyo badan oo hor yaallo aynan ansixin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip