Amison iyo Ciidanka Dowladda oo isaga baxay deegan Muhiima iyo Al Shabaab oo la wareegay

0
26 October, 2018 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amison iyo Ciidanka Dowladda oo isaga baxay deegan Muhiima iyo Al Shabaab oo la wareegay

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Fiidow ee Shabeellaha Dhexe oo ay maalma ka hor aay la wareegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Fiidow ee Shabeellaha Dhexe oo ay maalma ka hor aay la wareegeen.


Deegaanka Fiidow ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay kala wareegeen Al-Shabaab oo maamulayay tan iyo markii ay la wareegeen Sanadkii 2015-kii.

Wararka hadda aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jabuuti oo howlgalka deegaankaas lagula wareegay qeyb ka ahaa ay aadeen degmada Jalalaqsi halka kuwa Burundi ay soo aadeen dhinaca Magalada Jowhar.

Lama oga sababta ka danbeysa in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxaan deegaanka Fiidow,waxaana warar haatan soo baxaya ay sheegayaan in Al-Shabaab oo aan ka fogeen deegaanka Fiidow ay dib ula wareegeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan isaga baxa deegaannada ay Al-Shabaab kala wareegaan,waxaana dhawaan jirtay in si lamid ah ay Ciidamada dowladda ay dib uga soo baxeen tuulooyinka Basra,kulanta iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Balcad oo ay dhawaan la wareegeen.

Xukamadda R/wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu dhaliila inta badan in aysan raali ka aheyn dagaalo lagu qaado Maleeshiyada Al shabaab oo dhibaato xooggan ku haaya shacabka ku dhaqan deegannada aay Maamulan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip