Xaaskii Jamaal Khashoggi oo diiday Arrin uu Trump ka codsaday!!

0
27 October, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaskii Jamaal Khashoggi oo diiday Arrin uu Trump ka codsaday!!

    Xaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey


Hatice Cengiz waxay hadalkaasi ku sheegay Wareysi ay maanta siisay Telefishinka Turkiga ee Haberturk.

Wareysigooda oo ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii saygeeda la dilay bishan October 2-dii, waxay xustay inaysan aqbali doonin casuumaada u fidiyey Donald Trump, ilaa ay Maraykanka daacad ka noqonayaan dadaalka baaritaanka ee dilka saygeeda, Jamaal Khashoggi.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey inay Dowladda Sacuudiga la soo xiriireen waxay sheegtay inaysan la soo xiriirin, waxayna carrabka ku dhufatay inaysan Sacuudiga tegi doonin haddii maydka Jamaal Khashoggi lagu aasayo Sacuudiga.

Hatice Cengiz waxay ilmeysiisay inta ay la hadlaysay Telefishinka, kadib, markii wax laga weydiiyey markii uu saygeeda galay dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaalladda Istanbul.

Waxay sheegtay inuusan saygeeda wax shaki ah ka qabin in lagu dhibaateeyo Qunsulliyada lagu dhex dilay.

Ugu dambayn waxay ku baaqday in Baaritaan Caalami ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Jamaal Khashoggi

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip