Qarax Iyo Toogasho Goordhaw Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0
02 November, 2018 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Iyo Toogasho Goordhaw Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

    Faaah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaare ka dhashay Bamgacmeed Lagu Weeraray Ciidamo katirsan dowladda oo marayay Agagaarka Busteejada Baabuurta Suuqa Xoolaha Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faaah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaare ka dhashay Bamgacmeed Lagu Weeraray Ciidamo katirsan dowladda oo marayay Agagaarka Busteejada Baabuurta Suuqa Xoolaha Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.


Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha soo gaaray Ciidamada dowladda ee Bamka Lagu Weeraray, kuwaa oo marayay Ka Soo horjeedka Maqaaxida Alfurqaan dhanka qorax kasoo bax Busteekada gadiidka dadweynaha Suuqa Xoolaha.

Koox aan la aqoonsan heybtooda ayaa Bam gacmeedka ku weeraray Ciidamada, waxaana ka dhashay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex askari kale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.

Dhan kale ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib ayaa furay rasaas xoogan oo soconeysay mudo daqiiqo ah, oo dhalisay dhaawaca iyo dhimashada dad shacab ahaa oo halkaasi ka ag dhawaaa, walow tiradooda rasmiga dadkaasi aan la heynin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip