Dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye & duleedka Muqdisho

0
06 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye & duleedka Muqdisho

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deeegaano iyo dagmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deeegaano iyo dagmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.


Dilka koobaad ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada baarismaaciil oo ka tirsan dagmada afgooye,waxana la dilay Nin Ganacsade ahaa oo lagu Magacaabi jiray C/Xafiid Siciid Xuseen,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Dhinaca kale faah-faahino dheeraad ah ayaa laga heleyaa dil wadareedyo  xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha dilkaas. ayaa waxaa loo geystay labo ruuux oo ilaa iyo hadda aan la garan waxa ay ahaayeen.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay gudaha masjidka dabaqeynka oo ku yaalla isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho  ayaa todobaadkan gudihiisa waxaa lagu dilay ku dhawaad 6 ruux mana  jiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha ee ku aadan dilalka ka dhaca deegaankaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip