Wasiirka Difaaca Turkiga oo Muqdisho ku soo wajahan

0
06 November, 2018 in Wararka by
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Turkiga oo Muqdisho ku soo wajahan

    Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.


Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeeno, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex maray heshiisyo iskaashi ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip