Askari dilay Gabar Macalimad aheyd oo gacanta lagu dhigay

0
06 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari dilay Gabar Macalimad aheyd oo gacanta lagu dhigay

    Xalay ayaa Magalada Muqdisho waxa askari ka tirsan Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan degmada wadajir uu ku dilay Gabar ka mid aheyd kuwa ku nool Gobolkaan Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay ayaa Magalada Muqdisho waxa askari ka tirsan Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan degmada wadajir uu ku dilay Gabar ka mid aheyd kuwa ku nool Gobolkaan Banaadir.


Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud,waxaana ay ka mid aheyd Gabdhaha waxbartay ee ku nool Muqdisho,waxaana Macalin ay ka aheyd Iskuulka Raage Ugaas,waxana la sheegay in Gacanta lagu soo dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaas.

Qoyska Safiya ayaa waxaa booqasho ugu tagay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax,si ay ula qeyb sadaan tacsida iyo murugada dilka loo geystay Gabadhooda.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka u geystay gabadhaas,isla markaana cadaalada lahor-keeni doono.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Ciidamadu dadkii ay u qidmeyn lahaayeen inay dilaan,taas bedelkeedana tallaabo laga qaadi doono askari walba ee dad Shacab ah dhibaateeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip