Al Shabaab Oo War Cusub Kasoo Saaray Qaraxyo Iyo Gadiidleey Lagu Dilay Muqdisho

0
06 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo War Cusub Kasoo Saaray Qaraxyo Iyo Gadiidleey Lagu Dilay Muqdisho

    Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaare geystay oo saakay ciidamada AMISOM lagula eegtay isgoyska Ex-Control balcad degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaare geystay oo saakay ciidamada AMISOM lagula eegtay isgoyska Ex-Control balcad degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.


War rasmi ah oo kasoo baxay garabka warbaahineed ee Al shabaab ayaa looga hadlay khasaaraha gaaray ciidmada Amisom ee labada qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Control balcad degmada Hiliwaa.

Saraakiisha Al shabaab u qaabilsan howlgalada Military oo la hadlay Idaacada Afka Kooxda Alshabaab ku hadasha ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxyada lala helay gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamada Shisheeye, taas oo la sheegay in ay soo gaartay waxyeelo xoogan, sida hadalka ay u dhigeen saraakiisha Al shabaab.

Qaraxa labaad oo isna ku diyaarsanaa goob aan sidaas kaga fogeyn halka uu ka dhacay qaraxa hore ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamada kale ee la socda kolonyada qaraxa koowaad la kulmay.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxyadan ayaa sheegtay in qaraxyadaas lagu dilay ugu yaraan 3 askari, laguna dhaawacay 7 kale, iyagoona tilmaamay in booyadu ay waxyeelo xoogan soo gaartay balse aysan wada burburin, ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Idaacada Andalus ee Al shabaab.

Ciidamada lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmad iyo zaad geeya xerada ciidamada Amisom ee Maslax, waxaana dhowrjeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah.

Dhanka kale banaan bax xoogan ayaa ka dhashay rasaas ciidamada Amisom ay ku fureen dad u badnaa darawalo ka shaaxeynayay Maqaaxi ku taal Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayay Ciidamada AMISOM  Toogteen kuwaasi oo fadhiyay goob Shaaha lagu cabo oo ku taala Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad degmada Heliwaa.

Hoos Ka Akhriso Magacyada dadka ay  dileen Ciidamada AMISOM.

  1. Qaasim Daahir Kheyre oo Darawal ahaa
  2. Xasan Yuusuf Siyaad oo Darawal ahaa
  3. Cali Shir Ugaas oo ahaa Darawal.
  4. Axmed Maxamuud Baseey oo ahaa Darawal Mooto Bajaaj.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip