Afka Soomaaliga oo sanadaha Soo Socda laga digay inuu dabar Go'o

0
07 November, 2018 in Wararka by
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afka Soomaaliga oo sanadaha Soo Socda laga digay inuu dabar Go'o

    Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda UMMADDA Soomaaliyeed ayaa waxaa uu hortagay Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoona uu ka hadlay xaalada waxbarashada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda UMMADDA Soomaaliyeed ayaa waxaa uu hortagay Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoona uu ka hadlay xaalada waxbarashada dalka.


Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in halis uu ku jiro Afka Soomaaliga, iyadoona laga cabsi qabo in sanadaha soo socda uu dabar Go’o  afka Soomaaliga, isagoona markii dambe arintaasi walaac ka muujiyay.

Dowlada Dhexe ayuu ugu baaqay Gudoomiyahu in Ololo Qaran ay sameyso, kaasi oo ku aadan si uusan u dabar Go’in Afka Soomaliga taa abdalkeedane Afka saxda ah loo qori lahaaa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacadda UMMADDA ayaa kulanka Golaha Aqalka Sare ka hor sheegay in Hay’adaha Caalamka arintan ay daraasaad ku sameeyeen iyagoona sheegay in afka soomaaliga uu kamid noqan doono sanadaha soo socda afafka ka dabar Go,a caalamka maadaama aysan jirin in ka badan 500 qof oo ku hadli karta.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in golaha Aqalka Sare ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sidii loo horumar lahaa Afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa ballanqaaday inuusan  dabar go’idoonin Afka Soomaaliga, islamarkaana qorsho lagu bad-baadinayo ay sameynayaan hadii ay yihiin aqalka Sare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip