Kalluumeysatada Caalamiga ah oo looga digay biyaha Somalia!!

0
08 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalluumeysatada Caalamiga ah oo looga digay biyaha Somalia!!

    Doon kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Taiwan ayaa shalay lagu rasaaseeyay meel ka mid ah Biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doon kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Taiwan ayaa shalay lagu rasaaseeyay meel ka mid ah Biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.


Agaasime ku xigeenka Kalluumeysatada Taiwan, Lin Kuo-ping, ayaa ku sheegay weerarkaas in kooxda Burcad Badeedda Soomaalida ay isku dayeen in ay doonta qafaashaan hayeeshee ay ka badbaadday.

Hay’adda Kalluumeysatada ee  Taiwan Tuna Longline Association,ayaa warkan shalay gelinkii dambe ku sheegtay barteeda Facebook,waxaana ay sheegtay in shaqaalaha iyo doontiiba ay ka badbaadeen weerarkaas.

Agaasime ku xigeenka Hay’adda ayaa sheegay in milkiilaha Doonta TC6 ee shalay galab ka badbaadday weerarka ay shaqaalahadeeda iyo iyaduba badqabaan.

Waxaa ay Hay’adda si guud uga digtay in Kalluumeystada Reer Taiwan ay u dhawaadaan biyaha Soomaaliya oo ay sheegeen in qatarta weerarrada burcad badeedda ay soo badanayaan.

Shalay ayey ahayd markii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay Golaha shacabka SOomaaliya ka codsadeen ansixinta Xeerka Badda ee Soomaaliya si loola dagaallamo burcad Badeedda Soomaalida ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip