Sawirro:-Wararkii u dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magalada Muqdisho

0
09 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Wararkii u dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magalada Muqdisho

    Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laamiga u dhaxeeya Xarunta Dambi-baarista ee CID-da iyo Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Majirto goob sirasmi ah loo bartilmaameed saday balse wariyeyaal goobta ku sugan ayaa waxa ay sheegayaan in Darbiga Hotelka Saxafi iyo bartamaha laamiga ay ku qarxeen.

Waxaa Gurmad halkaasi ka sameeyay Gawaarida gurmadka deg dega ah,iyada oo ay jiraan dhaawacyo ay qaadeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ee agagaarka Hotelka Saxafi ayaa ah meel dadweynaha ay ku sugan Gawaarida.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo ka tirsana Al-Shabaab,isla markaana doonayay inay weerar geystaan la toogtay.

Waxaa Sawirro laga soo qaaday Goobta qaraxa la arkayay burbur xooggan oo soo gaaray Hotelka Saxafi oo dad tegay ay  sheegeen in darbiga Hotelka lagu dhuftay Gaari qarax siday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip