Sawirro:-Muqtaar Roobow oo taagero weyn loogu muujiyay Xaflad Baydhabo ka dhacday!

0
09 November, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Muqtaar Roobow oo taagero weyn loogu muujiyay Xaflad Baydhabo ka dhacday!

    Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taagerayay Musharaxi ugu horeeyay ee shahaado musharaxnimo qaatay Muqtaar Roobow Cali ayaa ka dhacday Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taagerayay Musharaxi ugu horeeyay ee shahaado musharaxnimo qaatay Muqtaar Roobow Cali ayaa ka dhacday Magaalada Baydhabo.


Xaflada waxaa sooo qaban qaabiyay dhalinyaradda taagerada u ah Musharax Muqtaar Rooboow Cali oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,waxaana ka soo qeyn galay Odayaal waxgarad dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Waxaana hadalo ka jeediyay dadkii ka soo qeyb galay oo aay kamid ahaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadaha Magaalada Baydhabo kuwaasi oo taageerada aay u haayan u muujiyay.

Fowsi Cabdinuur oo kamid ah Aqoonyahanada Koonfur galbeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay  in aay garab taagan yahiin shacabka Koonfur galbeed Muqtaar Roobow Cali.

Musharax Muqtaar Roobow Cali ayaa ah musharax taagero ka heysata qeybaha kala duwan ee Bulshadda waana shaqsiga loo badinayo in u noqon doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip