Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga

0
12 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf soo gala dhex galay Madaxda Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga

    Waxaa soo baxaya khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego Degmooyin ka tirsan gobolka Gedo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego Degmooyin ka tirsan gobolka Gedo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.


Waxaa dhacay Banaanbax loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay magaalada Garbahaarey iyadoo banaanbaxaana uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha 3 degmo oo ka tirsan gobolka Gedo aysan kasoo degi karin mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Faarax  C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta 43 Aad ayaa  sheegay in aysan aqbalin doonin in Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay yimaadaan gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in maamulka Jubbaland ay dhibaato badan ku hayaan dadka Shacabka ah ee kunool degaanada maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka siyaasada falanqeeya tilmaamen in uu ku lug leeyahay arrintaasi ka taagan deegannada Jubbaland isaga oo dhaqaalo xooggan ku baxinaya sidi loo bur burin lahaa Maamulka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip