AMISOM oo Ghana ka codsatay in ay Somaliya ku yaboohdo Boolis lebbisan

0
12 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Ghana ka codsatay in ay Somaliya ku yaboohdo Boolis lebbisan

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Dowladda Ghana ka codsaday in Ciidamo Boolis ah oo lebbisan ay ku yaboohdo AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Dowladda Ghana ka codsaday in Ciidamo Boolis ah oo lebbisan ay ku yaboohdo AMISOM.


Ku simaha Taliyaha Booliska ee AMISOM Haweeneyda lagu magacaabo Christine Alalo, oo Wariyayaal ka socday Ghana iyo Nigeria kula hadleysay Muqdisho ayaa sheegtay in Dowladda Ghana ay ka codsaneysi Boolis lebbisan.

Ghana waxaa hadda Soomaaliya ka jooga 37 Saraakiil tababarayaal Boolis ah,mana jiraan Boolis lebbisan oo la howlgala Ciidamada Soomaalida ah.

Christine Alalo,ayaa sheegtay in Hadda ay Ciidamada Booliska ah ee AMISOM ee lebbisan ka kala socdaan dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.

Waxaa ay sheegtay in Guuto lebbisan oo Boolis ah oo ay ka helaan Dowladda Ghana ay uga dhigantahay dhiirro gelinta nabadeynta Soomaaliya.

Alalo, ayaa xustay in Booliska uu hadda heysto Howlgalka AMISOM uu gaarayo 718 oo Askari una baahanyihiin 322 Askari si ay u gaaraan hadafka Booliska AMISOM oo ah 1,040 oo Askari.

Wariyayaasha ka kala socday Ghana iyo Nigeria ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 Wariye waxaana casuumay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip