Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ee Puntland oo Eedeyn u jeediyay Xukuumada Soomaaliya

0
12 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ee Puntland oo Eedeyn u jeediyay Xukuumada Soomaaliya

    Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu'jir) Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay xukuumadda Soomaaliya ay balanta ka baxday, kaasi oo ku aadan dib loo dhiso Garoonka Kubada Cagta ee Caasimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu'jir) Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay xukuumadda Soomaaliya ay balanta ka baxday, kaasi oo ku aadan dib loo dhiso Garoonka Kubada Cagta ee Caasimada Puntland.


Guddoomiyaha  ayaa  ka codsay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu fuliyo balan-qaad uu horey u sameeyay oo ahaa  in Xukuumadiisu ay ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee caasimada Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Siyaasiyiin iyo Xildhibaaano uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u soo diray Gobolka Nugaal,kuwaas oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan arrimaha Maamulka, isagoona eedeyn u jeediyay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa Waxaa uu u digay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isagoona sheegay in ay is ka horkeenayaan madaxda Maamulka Puntland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip