
Ciidamo ka tirsan DF oo ku dagaalamay Muqdisho!
Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Isgooska Kaaba Goday ee Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.
Ciidamada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Boolis iyo Militari, iyadoona la tilmaamay in ay kala Shakiyeen Labada ciidan.
Dad Goobjoogayaal ayaa Sheegay in dagaalka uu khasaaro ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay, mana jiraan wax dhaawac ah oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Muqdisho ayaa inta badan waxaa ku dagaalama Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoona inta kala Shakiya.
Ciidamo ka tirsan DF oo ku dagaalamay Muqdisho!
Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Isgooska Kaaba Goday ee Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.