Yaa ka danbeeya Dilalka Muqdisho Shaqaalaha Shirkadda Hormuud loogu geesto Xog!

0
14 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka danbeeya Dilalka Muqdisho Shaqaalaha Shirkadda Hormuud loogu geesto Xog!

    Magaalada Muqdisho dialal Maalmahii u danbeeyay loogu geestay shaqaalo katirsan Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn Soomaaliya, ee Hormuud Telcom baaris kadib waxaa inoo suurta galay in aan ka helno macluumad ku saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho dialal Maalmahii u danbeeyay loogu geestay shaqaalo katirsan Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn Soomaaliya, ee Hormuud Telcom baaris kadib waxaa inoo suurta galay in aan ka helno macluumad ku saabsan.


"Masuul Sare oo katirsan Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telcom oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqeejiyay in Maleeshiyada Daacishta Somalia ka danbeeyaan dilalkaasi loo geestay Shaqaalaha shirkadda.

Waxaa uu sheegay in Maleeshiyada Daacishta Somalia weydiisteen Shirkadda Hormuud Telcom lacago baad ah oo xad dhaaf ah taasina aay keentay in Maamulka Sare ee Shirkadda ku gacan sayran maadama Shirkadda culeesyo baddan horey ugu qabtay lacagaha Maleeshiyada Al shabaab ka qaatan iyo Canshuurta Dowladda Fedaraalka aay siiyaan taasina aay surtagal aheyn in meel kale dhaqaalo loogu qaado Shirkadda Hormuud.

Dowladda Fedaraalka oo Canshuur fara baddan ka qaado Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telcom, ayaa awoodin in aay difaacdo maadama aay xaq u leeyahiin in nabadgelyo helaan maadama Canshuurta Dowladda baxiyaan.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxaay wajahayaan caqabado baddan oo ugu imaanaya dhinacyo badan oo dhaqaalo doon ah oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa tiro dhowr jeer ah Ciidanka Dalka Kenya gubeen xarumo Shirkadda ku laheyd Gobalka Gedo iyadoo aysan jirin cid kala xisaabtanta.

Inta badan shirkadaha ganacsiga Magaalada Muqdisho, ayaa caqabado Xooggan kala kulma kooxha ka dagalama gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo dhaqaalo baad ah weydiista iyo loolanka dhexdooda oo sababa in aay isku adeegsaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip