NISA oo qabatay xubin ka mid ah Daacish

0
14 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo qabatay xubin ka mid ah Daacish

    Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Daacish, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Daacish, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Banaadir.


Ninka la qabtay ayaa ka tirsanaa Waaxda dhaqaallaha Sidda ay sheegtay Hay’adda NISA.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan inuu dhacay 13 Bishaan, islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

"Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS” ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip