Saddex Ruux oo Muqdisho lagu dilay iyo Amniga oo faraha ka baxay!

0
15 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Ruux oo Muqdisho lagu dilay iyo Amniga oo faraha ka baxay!

    Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Saybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Hubeysan goor dhow ay halkaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyaradda kunool Saybiyaano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Saybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Hubeysan goor dhow ay halkaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyaradda kunool Saybiyaano.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Garaad Yaasiin , waxaana uu ka howlgalaayay mid ka mid ah Shirkaddaha Daabacaadda Boorarka ee ku yaalla Muqdisho.

Garaad Yaasiin ayaa ahaa Nin dhalinyaro ah, waxaa dilay kooxo hubeysan oo dilka ka dib horay uga qaatay Taleefankiisa gacanta.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Garaad ay dileen Kooxo burcad ah oo doonaayay in ay ka qaataan Taleefankiisa gacanta.

Waa qofkii Saddexaad ee Maanta Kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho, waxaana la sheegay in inta badan Kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa  koox hubeysan ayaa halkaasi ku dilay nin ka mid ah dadka degaanka

Kooxaha hubeysan oo ahaa laba ruux  ayaa Marxuumka ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo.

Ninka la dilay oo ilaa hadda aanan la garaneyn sababta loo beegsaday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Raage, wuxuuna u shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe ku kordhay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, iyada oo inta badan aanan lagu guuleysan in la qabto Dableyda dilalka geysata.

Maanta Duhurkii ayay aheyd Markii dabley hubeysan ay wiil dhalinyaro ah ku dileen Xaafadda labo Dhagax ee degmada Wartanabadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip