Al-Shabaab oo Go'doomiyay degmada Balad-Xaawo

0
17 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Go'doomiyay degmada Balad-Xaawo

    Dhawaan War kasoo baxay Maamulka degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu amray Xaasaska Al-Shabaab inay isaga baxaan degmadaas,hayeeshee taasi ay dhibaato ku noqotay Shacabka degmadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan War kasoo baxay Maamulka degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu amray Xaasaska Al-Shabaab inay isaga baxaan degmadaas,hayeeshee taasi ay dhibaato ku noqotay Shacabka degmadaas.


Wararka aan ka helayno degmada Balad-Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Go’doomiyeen degmada Balad-Xaawo,iyaga oo uga jawaabaya amarkii kasoo Maamulka degmada Balad-Xaawo.

Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyin hoostaga degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Maamulka Jubbaland,waxaana dhawaan soo baxday inay ku hanjabeen go’doomintaas balse ugu dambeyn ay saareen.

Dad ku sugan Balad-Xaawo oo qaarkood nala soo xiriiray ayaa sheegay in durba Go’doomintaas ay dareemeen,isla markaana ay Al-Shabaab diideen in Magalada la soo geliyo waxyaabaha muhiimka u ah Bulshada.

Xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Balad-Xaawo ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino Go’doomintaas ay saareen Al-Shabaab..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip