
Gudigga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta lagu wado in la shaaciyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Koofur Galbeed Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.
Kulanka ayaa inta badan waxaa looga hadlayay sidii loo Magacaabi lahaa Xubnaha Gudigga Doorashada ee Maamulka Koofur Galbeed, isagoona arintan kala hadlayay xildhibaanada Baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo Musharixiinta Madaxtinimada ee Maamulkaasi.
Gudiga uu maanta magacaabayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, si ay u ansixiyaan Gudigga doorashada Maamulkaasi.
Doorashada Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dib u dhacday, xili maanta lagu waday in doorashada ay dhacdo.
Gudigga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta lagu wado in la shaaciyo
Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay ayaa sheegaya in Maanta la filayo in la shaaciyo Xubnaha Gudigga Doorashada ee maamulka Koofur Galbeed soomaaliya.