Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho!

0
18 November, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho!

    Wararka aan ka heleyno Deegaanka Weydoow ee dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Weydoow ee dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.


Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay gaari nuuca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan deriiska Ciidamada Xooga dalka waxaana ku geeriyooday shaqsiga gaariga qaraxa lala eegtay watay iyo qof kale oo Mooto labbo lugooleey ah watay.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in Gaariga qaraxa lala eegtay uu kasii baxaayey Muqdisho oo uu dhankaa iyo ceelasha kusii wajahnaa.

Inta la ogyahay qaraxaasi oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso oo hareeraha wadadaasi la galiyay ayaa sababay geerida labbadaasi ruux hase ahaatee waxaa suurta gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip