Saameyn maku Yeelanayaa Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo Doorashadii KGS

0
11 December, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameyn maku Yeelanayaa Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo Doorashadii KGS

    Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, saameynta mooshinkan ayaana noqday mid si weyn loo dareemay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, saameynta mooshinkan ayaana noqday mid si weyn loo dareemay.


Shaqooyinka Hay’adaha dowlada ayaa shalay iyo maanta sidii loogu tala galay aan u socon, waxaana Madaxtooyada iyo qaar kamid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ka socda shirar iska soo horjeeda.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeelato doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu wado in 19-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Dowlada Federaalka ayaa waqti badan ku bixineysay doorashada Koonfur Galbeed faragalina la sheegay in ay ku heyso, waxaana durba laga dareemay khilaafka Madaxda dowlada magaalada Baydhabo iyadoona ay yaraatay hadal heynta doorashada KGS gaar ahaan kooxdii Laftagaran oo Muqdisho dabada laga riixayey oo afkooda Juuqda gabey.


Musharaxa Dowlada ku taageereyso Doorashada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegay in uu hakiyay olilihii uu xowliga u waday, maalmihii dambe oo aaminsanaa in ciidankii Baydhabo la keeney dartooda uu guuleysan doono dadka loo af qabtay laakiin taa bedelkeeda waxaaba loo badaninayaa in ninkii soo dirsadey oo farmaajo ahaa laftiisa la tuuro.

Doorashada ayaana laga cabsi qabaa in mar kale dib loo dhigo hadii ay dowlada Federaalka ay dareento in uusan xaalku sameyn, waxaana khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee u dhaqanta sida Mooriyaanta iyo musharaxiin isbedeldoon ah oo dar alle iminka garab uga heli doona soomaali weyn oo dhan oo horkacaya Gudoonka baarlamaanka soomaaliya.

BY: Abowasharow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip