dowlada Soomaaliya dhiig daadasho kadib ku guuleysatay Qofkii ay wadatay in Madaxweyne la dhaho.

1
19 December, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    dowlada Soomaaliya dhiig daadasho kadib ku guuleysatay Qofkii ay wadatay in Madaxweyne la dhaho.

    Ilo wareed aan ka helnay meelo kala duwan ayaa waxay xaqiijinayaan in Lacag badan ku baxday Baajinta Culeys la saari lahaa Murashaxiinta Lafta Gareen ku dhawaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo wareed aan ka helnay meelo kala duwan ayaa waxay xaqiijinayaan in Lacag badan ku baxday Baajinta Culeys la saari lahaa Murashaxiinta Lafta Gareen ku dhawaa.

Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa qudhooda waxaa la sheegayaa in ay Gacan hoose martay oo Dawlada ay Lacag siisey,waana mida keentay in Lafta gareen la magacaabo maanta

Lacag ahaan " Labo Milyan"  ayey dawlada ku bixisey sidii uu kusoo bixi lahaa C/casiis Lafta gareen oo ahaa Wasiir ku qamaaray Xilkiisa balse loo salaxay inuu madaxweyne ka noqon karo Doorashada.

Warar ayaa sheegaya in Aadan Saran soor oo ahaa Murashaxii ugu caririga badnaa uu lacag qaatay,waloow Xuseen Cusmaan taliyihii hore Ee NISA uusan sidii la rabay Codad u helin kaasoo dowlada u ahaa Plan B.


7-dii Bishii Hore waxaa lagu qasbay Shariif Xasan inuu ka tanaasulo doorashada,waxaana ay taas keentay in Shariifka uu Afka furtay markii Cadaadis culus saartay Dawlada Soomaaliya kadibna ethiopian kii ku xisaabtamayey ay dhahaan isaga tag meesha.

13 Bishaan ayaa sidoo kale Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa ciidamo Hubeysan ay kasoo xireen Baydhabo lagana reebay Doorashada inuu ka qeyb qaato, kaasoo ahaa qofka keliya ay shacabku rabeen dowladuna ay aad uga gariirtay

Dawlada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Doorashada kusoo saarto C/casiis Lafta Gareenxoog sanduli iyo dhiig daadasho kadib ay soo saarto


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip