Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

0
24 December, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

    Warar hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya iney socdaan dedaalo lagu sii deynayo sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada madaxtinimada Koonfur galbeed soomaaliya ee dowlada af

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya iney socdaan dedaalo lagu sii deynayo sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada madaxtinimada Koonfur galbeed soomaaliya ee dowlada afduub u heysato weli.

Mukhtaar Roobow ayay dowladda Soomaaliya  oo kaashaneysa dowlada Ethiopia kasoo afduubatay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay 13kii bishan aynu ku guda jirno ka dib amar la sheegay inuu kasoo baxay  Farmaajo.

Magalaada Muqdisho waxaa kulama ku yeelanayay maalmahan xildhibaannada Koonfur galbeed ku matala baarlamaanka Soomaaliya iyo  siyaasiyiin kuwaasoo ka arrinsanayay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow, waxaa sidoo kale dowlada culeysyo badan soo saareen beesha caalamka oo dowlada ilaa hada aysan uhelin jawaab cad sababta ay masuulkaan usoo afduubeen


Ilo ku dhow dhow xildhibaanadan ayaa sheegaya in kaga yaabo saacadaha iyo maalmaha soo socda in xoriyadiisa loo celiyo, waxaana jira shuruudo dowladu ku xirtay sii deyntiisa kuwaasoo Roobow uu ogolaaday badankood waxayna dowlada weli ka baqeysaa in roobow hadii ladaayo xaalada badyahbo aysan sidaan sii ahaan doonin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip